Home | News | Maxaa ka jira in Madaxweynaha Somalia Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'isul wasaare Nuur Cadde ay heshiis kala sixiixdeen

Maxaa ka jira in Madaxweynaha Somalia Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'isul wasaare Nuur Cadde ay heshiis kala sixiixdeen

Font size: Decrease font Enlarge font
image Maqaal.com

 Adisebaba (maqaal.com) 23 Aug 2008 :  Warar laga helayo magaalooyinka muqdisho iyo baydhaba oo xarumo u kala ah Barlamaanka FS iyo Golaha dowladda ayaa tibaaxaya in dowladda ethiopia ay ugu dambeyn ku guulaysatay xalinta khilaafkii ka dhex jiray madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha kuwaasi oo isku haystay qodobo ay kamid yihiin xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii gobolka Banaadir Maxamed dheere oo golaha xukuumaddu ay shaqada ka eryeen dhawaan.

sadexda mas'uul ee ugu sareeysa dowladda FS waxa ay maalmo ku sugnaayeen xarunta ethiopia ee adis ababa iyada oo loo baadi goobayay xal u helinta khilaafkooda, maadaama dowladan jiritaankeeda ay dhabarka dambe ka taagan tahay xukuumadda Zenawi oo door muhiim ah ka ciyaarta xaaladda siyaasadda dalka somalia.

warar laga soo xigtay xubno ku jira labada gole ee dowladda, laakiin aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaaraha Nuur cadde ugu dambeyn la dhex dhigay heshiis qodobo ka kooban oo garsoorena uu ka yahay Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi.

ilo wareedyo laga helayo magaalada Adis ababa oo la socda madaxdan ayaa saxaafadda gudaha uga waramay qodobada ay gaareen labadan mas'uul oo khilaafkoodu salka ku hayo xil ka qaadis duq magaalo iyo heshiisyo mucaaradka lala galay isla maareyntooda.

qodobada ay ku heshiiyeen oo ilaa iyo haatan aan si rasmi ah loo shaacin ayaa waxaa kamid ah in Cabdulaahi yuusuf waa madaxweynaha lagu qanciyay in uu ka haro in xilkii loo soo celiyo Maxamed Dheere, iyo in uu ogolaado in Ra'iisul wasaaraha uu u madax banaanaado howlaha dowladdiisa, lana hirgaliyo si guud fulinta heshiiska dowladda ay la gashay kooxaha kasoo horjeeda ee jabuuti lagu sixiixay.

sidoo kale madaxweynaha waxaa lagu qanciyay in maamulka gobolka ay dooranayaan degmooyinka oo ay tahay in sidaas uu u fuliyo madaxweynaha.

Nuur Cadde Ra'iisul wasaaraha ayaa isna la ogoleysiiyay in xubnihii wasiirada ee is casilay in xil uu u dhiibo lana kordhiyo golaha xukuumadda oo la gaarsiiyo ilaa 23 wasiir.

kasokoow jaangoynta 6da qodob ee uu ka kooban yahay heshiiskan diblomaadsiyiinta reer galbeedka ayaa aaminsan in inta badan qodobadan ay ahaayeen kuwii uu kasoo horjeeday Madaxweynaha iyo kooxda ku fikirka ah ee dowladda, inkasta oo dalabkooda qaar la fuliyay sida in xubnihii baxay xilal loo sii dhiibo oo lagu soo daro golaha wasiirada, taasna ay tahay sababta keentay in dowladda ethiopia ay ku qasabto labada dhinac in la badiyo golaha wasiiradda.

Maxaa lagu qoonsaday Maxamed Dheere?

Guddoomiyihii hore iyo duqii muqdisho maxamed cumar Xabeeb dowladdu waxa ay ku eedeysay kalitalisnimo iyo maroorsiga awooda maamulka iyo maaliyadda soo gasha gobolka, iyo in uu talada ka weeciyay xubnaha maamulka kula jira oo dacwooyin usoo gudbiyay Ra'iisul Wasaaraha.

inkasta oo uu eedeymahaasi dafiray hadana waxaa lagu haystay baa la yiri in uu wax kama jiraan kasoo qaaday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlada qorshayaal ay maamulka u gudbisay.

waana tan keentay in Ra'iisul wasaaruhu uu go'aan adag ka qaato sii joogista Maxamed dheere oo ay u arkeen in ay amaanka sii xumaynayo, iyada oo dhowr jeerna lagu eedeeyay falal waxyeeleyn dad oo uu geystay.

Maxamed Cumar Xabeeb waa hogaamiye dagaaleed gacan saar xoogan la lahaa ethiopia, waana tan keentay in kursiga ra'iisul wasaaraha uu hanto una dhiibo Dr Cali maxamed Geeddi oo uu isagu barlamaanka u baneeyay.

waxa uu si weyn ugu batay saxaafadda markii uu la wareegay gobolka shabeelaha dhexe qaybo kamid ah oo jwharna ay ku jirto nabad balaarana uu ka dhaliyay inkasta oo ay jireen caburin iyo amar ku taakleyn ay dadka deegaanka ku eedeeyeen.

Aragtida Soomaalida ay ka qabaan awooda go'aanada Ethiopia ay u dhiibto Madaxda sare

dadka soomaalida ayaa si weyn waxa ay ugu jahwareersan yihiin doorka ethiopia ee soomaaliya, iyaga oo la yaabay marka ay arkaan qaabka ay go'aanada ugu qaybiyaan madaxda sare ee dowladda oo haddii ay is qabsadaan ay u noqotay marjic la isugu laabto oo lagu heshiiyo, iyada oo ay meesha ka baxday in madaxda soomaalidu ay u madax banaan yihiin tala ka gaarista arrinta wadanka soomaaliya ee ay maanta madaxda iyagu ka yihiin.

somalia ma lahayn nidaam ama dowlad rasmi ah oo shaqeysa laga soo bilaabo 1991kii markii dowladdii jirtay ay talada ka rideen jabhado hubaysan oo ay taageeraysay dowladda haatan ka jirta ethiopia, dhowr jeer oo lasoo dhisay dowlado KMG ah xaaladu waxay noqotay mid sii xumaata un.

inkasta oo laga rajo qabo oo dadku ay naawilayaan wax xoogaa nabad ah in la helo hadana waxa jahwareer iyo amakaag cusub keenay dagaalada iyo is balaarinta kooxaha islaamiyiintu ay ka wadaan qayb kamid ah soomaaliya, taasi oo meesha ka saaraysa in xaaladu ay soo hagaagto.

Mohamed Yusuf Ahmed
Sweden

moha_youssef@hotmail.co.uk

Comments (4 posted):

Xaaji Raage UK on 23 August, 2008 09:49:40
avatar
ASC walalayal waxa la yaab leh in ethiopia ay u aqriso waxay doonto, waxa meesha ka baxday wadaniyadii iyo sharaftii lagu yiqiin hogaankii umadda soomaaliyeed. alaha tusiyo xaqa thanks idinkana qaabka aad noogu sharaxdeen
Nor Ali Norway on 23 August, 2008 09:54:18
avatar
Hi ethiopia ayaa awalba kentay wax lala yaabo maahan in ay hadana casharna soo siio, laakin taariikhda meel madow bay ka galeen guul alshabaab
Maxamuud Netherlands on 23 August, 2008 09:56:33
avatar
Ethiopia waxay qaadat talaabo guul leh mar hadii qarankii ay badbaadisay oo madaxdii ay heshiis dhex dhigtay taariikha umada soomaaliyed meel dahab leh bay ka gali doontaa arintaan nor waxaan ku leeyahay shabaab ha dhaco
falis nairobi on 23 August, 2008 08:38:33
avatar
somali waa u dhamaay itoobiyaan baa hogaamiya dal gumaysi ku jiro waaye

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0