Home | News | Q.M oo cambaareysay gumaadkii ethiopia ay ka geysatay Afgoye, kana hadashay qabsashada Al-shabaab ee Kismaayo

Q.M oo cambaareysay gumaadkii ethiopia ay ka geysatay Afgoye, kana hadashay qabsashada Al-shabaab ee Kismaayo

Font size: Decrease font Enlarge font
image united nation

Nairobi: (maqaal.com) 23 Aug 2008: Ergayga gaarka  ah ee xoghayaha guud ee jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arimaha Somalia Ahmadou Ould Abdalla ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka soomaaliya, si gaar ah dagaalkii kooxda alshabaab ay ku qabsadeen magaalada dekada leh ee kismanyo oo xarun u ah gobolka jubada hoose ee dalka soomaalia, iyo gumaadkii ciidanka ethiopia ay dad rayid ah oo bas saaran ugu geysteen deegaanka afgoye ee gobolka shabeelaha hoose.

isaga oo hadal saxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa waxa uu Mr Abdalla sheegay in inuu aad uga fajacay isla markaana uu kaxunyahay dilkii askarta Ethiopia ay 17-kii bishan August 2008 ay dad rayid ah u geysteen kuwaasi oo saarnaa gawaari mareysay deegaanka carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.

waxa uu intaasi sii raaciyay oo uu dhaleeceyn dusha kaga tuuray Ciidamadii ka dambeeyay falkaasi ioo uu yiri  dadka dhintay dhamaantood waxaa rasaas ku dilay  ciidamada Ethiopia, waxana uu sidoo kale cadeeyay in falkaasi foosha xun  uu sababay barakaca ilaa 2000 oo ruux.

nuqul kamid ah warsaxaafadeedka oo soo gaaray shabakdda wararka ee Maqaal.com waxa uu danjiruhu ku yiri  “Waxaan ugu baaqayaa qaybaha lala xiriirinayo ee faraha kula jira colaada Soomaaliya inay dhowraan oo ay qadariyaan sharciga Caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, waxaana ugu baaqayaa markale inay kadhabeeyaan heshiiskii ay ku gaareen dalka Djibouti” ayuu yiri Mr Abdalla danjiraha Q.M ee Somalia.

waxa uu sii raaciyay in qaybahaasi ku lugta leh colaada in ay ogaadaan in maalin un lala xisaabtami doono cadaaladana la hor keeni doono.

Q.M waxa ay sidoo kale ka hadashay dagaaladii kooxda mayalka adag ee Alshabaab ay ku qabsaden magaalada Kismaanyo ee xarun goboleedka jubada hoose.

waxana Ahmedu Walad uu ku tilmaamay dagaalkaasi in uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid dana dhaqaale ay kooxdaasi ku raadinayso sida hadalka uu dhigay.

"waxan aad uga xunahay dhimashada dadka faraha badan kasoo gaartay dagaalkaas ka dhacay kismaanyo" ayuu yiri isaga oo hadalkiisana sii raaciyay in uu tacsi u dirayo dhamaan ehelada dadkii halkaasi ku naf waayay, sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay oo uu muujiyay sida ay Q.M uga xuntahay dadka rayidka ah ee halkaasi laga barakiciyay.

si kastaba dhamaan arrimahani waxa ay kusoo beegmeen iyada oo dowladda FS iyo kooxaha kasoo horjeeda ay heshiis nabadeed oo garwaden ay ka tahay Q.M ku kala sixiixdeen magaalada jabuuti ee dalka jabuuti.

 

Comments (1 posted):

yusuf usa on 23 August, 2008 10:00:04
avatar
kuwaan af lee kasoo haray may wax ka qabtaa dadka dadka dhibaaya ee laayay ethiopianka cambaareyn le maku jireenaa un wax haka qabato ama haka aamusto dee

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0