Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu eedeeyay sii socoshada dhibaatada ka jirta dalka
Iyada oo ay cirka sii marayso xaalada adag ee dalka somalia ka taagan ayaa 22kii bishan agoosto Barlamaanka KMG ah waxa uu u dabaal degay sanad guuradiisii 4aad ee ku beegan markii la dhisay, laguna aas aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
xildhibaanada barlamaanka waxa ay si qoto dheer uga hadleen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen kadib munaasabad ay ku qabsadeen magaalada xarun KMGka u ah ee Baydhaba, iyada oo sidoo kalena ay jireen xubno si kulul uga hadlay xaalada dalka kuna eedeeyay sii socoshada dhibka haatan taagan Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisul wasaarihiisa.
Xildhibaan xasan Abshir Faarax oo hore wasiir kasoo ahaa xukuumadii Prof Geedi oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Cabdulaahi Yusuf iyo Ra'iisul wasaaraha Nuur Cadde in ay iyagu mas'uul ka yihiin sii socoshada dhibaatada adag ee ka jirta wadanka.
"hadii ay kusoo laabtaan baydhaba iyaga oo is khilaafsan barlamaanku go'aan ayuu ka qaadan doonaa" ayuu yiri Xasan Abshir oo intaana sii raaciyay in labadan mas'uul waa madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ay sii hurinayaan dhibaatada awalba ka jirtay gudaha dalka.
TIXRAACA BARLAMAANKA
Inkasta oo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee KMG uu yahay hay'adda sharci dajinta ee dowladda KMG waxa soo xulay qab-qablayaashii dagaalka. hogaamiyayaasha dhaqanka qaar, iyo wakiilada dalalka igad, iyada oo aanu ku iman doorashada shacabka soomaaliyeed.
bilowgii howshiisa waxa uu ku waqlashay barlamaanku in ay kuraasta isla dhacaan xubnihii ku jiray iyaga oo la kala safanaya dalalka deriska la ah somalia qaarkood, oo qayb barlamaanka ahna ay ku doodaysay in la ansixiyo ciidamo ay ku jiraan dalalka deriska la ah somalia halka qaybna ay taasi ka soo horjeeday.
kasokoow dhiiga iyo dhibaatada markaasi kala dhexmartay waxa ugu soo xigtay in ay u kala jabaan laba qayb oo kala degan jowhar iyo Muqdisho lana kala safnaa madaxdii dowladda ee iska soo horjeeday, kadib isku imaansho aan badnayn oo ay baydhaba isugu yimaadeen maba la isku daahin oo waxaa la riday hogaankii barlamaanka, iyada oo hogaanka hadda jirana loo dhiibay shaqada.
Barlamanku waxa maqalkiisa si weyn uu u hareeyaa dhegaha bulshada marka ay is qabtaan madaxda dowladda ugu sareeysa iyada oo shaqada kaliya ee ay hayaana ay tahay abuurista mooshino ujeedada laga leeyahay ay tahay maroorsashada wax xoogaa qidmad ah oo caadiyanba lagu yaqaano in ay bixiyaan madaxda marka lagu dhegan yahay, iyaga oo ka baqanaya in codka kalsoonida ay ku qaadaan lana rido hadii ay fulin waayaan balanqaadyada lacageed ee xildhibaanada.
waxa ay baydhaba ku ansixiyeen xubnaha barlamaanka in ethiopia ciidankeeda ay difaacaan dowladda, iyada dhibaatada maanta jirtana ay door muhiim ah ka ciyaareen ciidamadaasi oo gabaad ka dhigtay ansixintii baydhaba ee barlamaanka.
waxa si weyn loo filayaa talaabooyinka soo socda afarsano jirsashada barlamaanka kadb in aysan wax weyn ka duwanaanin hore wixi looga bartay, iyada oo bulshada dhibaatada ay ku habsatay ay qabaan in barlamaanku uu door cad ka ciyaaray xasuuqa iyo isleynta ka socota magaalada caasimadda ah iyo nawaaxigeeda.
Khilaafka Madaxda Sare
Madaxweynaha oo qayb barlamaanka ku jirta ay u sacab tumayan iyo Ra'iisul wasaaraha oo isna qaybta kale haysta kadib markii ay dowlad ahaan ku fashilmeen in ay xaliyaan khilaafka dhexdooda ah lana fuliyo heshiisyo ay la galeen kooxda kale kacdoonka wada ee dhabarka dambe ku hayaan islaamiyiinta dagaalamaya waxa ay xal u doonteen Ra'iisul wasaaraha ethiopia Malez Zenawi oo ciidankiisa ay gaafaha ka ilaaliyaan madaxdaasi.
xubno ka tirsan Barlamaanka iyo xukuumadda oo aan doonayn in la isticmaalo magacooda ayaa u sheegay shabakadda Maqaal.com in labada dhinac ay ka biya diidsan yihiin ka tanaasulka go'aanadooda, waxana dhawaan la filayaa in si rasmi ah ay dhinac ugu dhacdo.



Download attachment >>
del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Post your comment